Ciidamada Danab oo Dilay Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo ilaalo badan uu watay

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya kuwa nabad sugida Jubbaland ayaa  deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ka fuliyay howlgal qorsheesan.

Howlgalka ay sameeyeen ciidamada Danab iyo kuwa nabad sugida Jubbaland ayaa la sheegay in lagu dilay 13-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab , kuwaa oo ku sugnaa deegaano wabiga jiinkiisa dhaca.

Xubnahan Al Shabaab ee dileen ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay in uu ku jiray sargaal katirsanaa xarakada Al Shabaab oo magaciisa saraakiisha ciidanka ku sheegeen Aruuriyow Maxamed Cumar.

Ciidamada huwanta ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ahaa Al Shabaab ka fulinayay deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose, ciidamadan ayaana doonaya in Al Shabaab ka saaraan goobaha ay ka joogaan Jubbada Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -